Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh waxaa bishan April 18-da laga furi doonaa Shineemadii ugu horreyso ee lagu daawanayo Aflaanta Caalamiga.
Waana markii ugu horreysay oo ay dadka Sacuudiga fursad u helaan arrintaasi, iyadoo Daawada Filimadda laga mamnuucay muddo haatan laga joogo in ka badan 35 sanno.
Shirkad Madadaalo oo lagu magacaabo AMC Entertainment Holdings (AMC.N) ayaa shalay lagula heshiiyey Furitaanka Shineemooyinka lagu daawado Filimadda.
Dhismaha Shineemada ugu horreysay waxaa laga furi doonaa Degmadda dhaqaalaha ee Boqor Cabdalla oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.
Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda AMC, Aadan Caroon waxa uu sheegay in Shinemadda cusub wax ku daawan karaan ilaa 500 oo qof, iyadoo Kuraasta Fadhiga laga sameeyey Maqaar(LEATHER).
Waxaana la qorsheynayaa inay Shirkaddu albaabadda u furto ilaa 40 Masrax shanta sanno ee soo socota.
Dhaxal-sugaha Booqrtooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Nin C/casiis waxa uu sannadkii hore ku dhawaaqday Qorshe horseedi kara Isbedel lagu sameeyo Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda.
Si kastaba ha ahaatee, Sacuuidiga waxaa ku ooli jirtey dhowr Shineemo sannadihii 1970-aadkii, balse Mashaa’iqda ayaa ku talisay in la wada xiro Shineemooyinka si loo dhowro Anshaxa Suuban ee Mujtamaca.