Wararka Idaacada Dalsan ay ka heleyso Isgoyska Afarta Jardiino dhinaca Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu ka dhacay Shil gaari oo Khasaaro geystay.
Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib makii uu soo fariin goostay gaari kuwa nooca Xamuulka qaado ah oo siday agabyo kala duwan oo u badnaa Bagaash, wuxuun ku dhacay Mooto Bajaajyo taagnaa Isgoyska iyo gaari dameer.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan u waxaa u sheegeen in gaariga markii uu soo fariin goostay ay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku leh Afarta Jardiino, wuxuuna markii dambe uu dhacay gaariga dhagxaan halkaas yaallay.
Laba ruux oo la socday Mooto Bajaaj ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana halkaas ku dhintay Dameer, waxaana dadkii ku dhaawacmay Shilka loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.
Waa Shilkii labaad oo Maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoona kii ugu horeeyay saakay uu ka dhacay agagaaarka daarta Soomaali Boosto ee ku taalla Degmada Yaaqshiid, waxaana shilka uu ka dhashay laba gaari oo isku dhacay,, iyadoona laba ruux dhaawac uu kasoo gaaray shilkaas