Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.
Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen 5 ruux oo mid kamid ahaa uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland, waxaana la sheegay in gaariga uu socday xawaare sare.
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay degmada Dangoroyo, halka hal qof  kalena uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad, iyadoo ay ka badbaadeen laba ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga.
Magacyada dadka shilka ku dhintay ayaa waxaa lagu kala sheegay Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo Maxamed Shiine Birjeeb.
Dhawaan ayay aheyd markii degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal oo 114-KM u jirta Magaalada Garoowe uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro, waxaana inta badan shilalka halkaas ka dhaca loo sababeeyaa Darawalada oo gaadiidka ku wada xawaare.