Dowladda Shiinaha ayaa war kasoo saartay xiriir dublimaasiyadeed oo ay sameysanayaan Taiwan iyo Somaliland iyada oo Shiinuhu u aqoonsantahay Taiwan qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha.
Taiwan ayaa waxa ay sheegtay in ay xafiis ka furanayso magaalada Hageysa ee caasimadda Maamulka Soomaaliland,iyada oo tallaabadaas uu si deg deg ah uga hadlay safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia.
Labada dhinac ee Soomaaliland iyo Taiwan ayaa la sheegay in ay Taleefoonka uga wadahadleen nooca xiriirka dhexmaraya iyaga oo ku heshiiyay is aqoonsi iyo in midba midka kale Baasaboorkiis auu ku tago Soomaaliland ama Taiwan.
Dhinaca kalan dowladda China ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, in kasta ay madaxbanaani sheegato.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay arrintaan waxaana uu tilmaamay in warkaan uusan aheyn mid aan cuntami doonin sida uu hadalka u dhigay.
“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin†ayaa lagu yiri bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland.