Waxaa magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaaliland ku qul qulaya Diblomaasiyiin u dhashay dalka Shiinaha, waxaana la sheegayaa in ay kulan la leeyihiin Madaxweynaha Maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Warar ka aan helayno ayaa sheegayan in arrimo xasaasi ah ay madaxweynaha kala hadlayaan Diblomaasiyiintu, waxaana la sheegay in Muuse Biixi loosoo jeediyay in Soomaaliland ay xiriirka u jarto Taiwan oo ah dal aqoonsi raadis kaas oo doonaya in uu ka madax bannaanaado Dalka Shiinaha.
Soomaaliland ayaa loosoo bandhigay in ay jarto xiriirka ay dhawaan la yeelatay Taiwan, waxaana taas baddal keeda ay xiriir la samaysan doontaa Shiinaha sida la sheegay, balse maamulka Soomaliland ayaa la sheegay in uu wali ka caga jiidayo arrinta loo soo bandhigay.
Sida wararku sheegayaan wali waxaa socda wada hadalka ay Maamulka Soomaaliland la leeyihiin Diblomaasiyiinta ka socda dalka Shiinaha ee doonaya in ay xiriir cusub la sameystaan maamulka Somaliland, iyagoo taas kaga gol leh sida la sheegay sidii uu meesha kaga bixi lahaa xiriirka Soomaaliland ay la yeelatay Taiwan.
Dhanka kale waxaa la sheegayaa in Taiwan ay ka dhursugayso waxa kasoo bixi doona kulanka ay labada dhinaca Hargeysa ku leeyihiin.
Taiwan iyo Soomaaliland ayaa dhawaan safriiro isu magacaabay, waxaana ay sheegeen in ay sameysanayaan xiriir cusub, iyadoo ay xusid mudan tahay in labadooduba aysan aahyn waddamo madax bannaan, waxaa ay yihiinn kuwa ilaa hadda aqoonsi raadis ah, inkastoo aysan jirin cid dowlad ahaan u aqoonsan labada dhinacba.