Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji.
Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan horaantii bishaan.
Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baaritaan ku sameyaan.
Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan inay yihiin dal madaxbanaan.
Xiriirka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oola isu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho.