Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay dable aan la aqoonin xalay ku dileen magaalladda Cadan ee Koonfurta dalkaasi.
Sheekha la dilay oo la oran jirey Maxamed Raqiib waxa uu caan ku ahaa isagoo ka tirsanaa Xisbiga Islaax oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha dalkaasi, C/rabbu Mansuur Haadi.
Dhinaca kale, Diyaarad Drone oo ay Maraykanka leeyihiin ayaa la sheegay inay duqeyn ku dishay 4 ka tirsan Ururka Alqaacida, kuwaasi oo Kulan ku lahaa Guri ku yaalla Degmadda Al-rowda ee Gobalka Ma’rib ee Bartamaha dalkaasi.