Kadib markii gabi ahaan la baajiyay Muxaadaradii Maanta uu Garoonka kubada Caggta ee Injineer Yariisoow ee Muqdisho ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow
Sheekh Soomow oo wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Banaanbixii weynaa ee shalay ku baaqeen in Maanta oo Axad uu dhaco la baajiyay, kadib markii dowladda Soomaaliya shaacisay in la joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal.
Sidoo kale Sheekh Soomow ayaa waxaa uu sheegay in dadkii loo balamiyay banaanbaxa ay joogaan Masaajidyadooda, Mowlacyadooda, Dugsiyada iyo kuwa waxbarashada, isla markaana wixii shaqo leh ay aadan howlahooda shaqo, isla markaana la joojiyay banaanbixii la Iclaamiyay.
“Ballanteennu waxay aheyd inaan 6:00-Subaxnimo aan Banaan-bax weyn garoonka ka dhigno ,Waa baajinay anagana Waxaan ugu baaqayaa ardeydeena inay Banaanbixii joojiyaan oo Masaajidda, Mowlacyada, Dugsiyada aadaan hawshoodana qabsadaan†ayuu yiri Sheekh Soomow.
Dowladda Federaalka ayuu Sheekha ugu baaqay inay fuliso balankii ahaa in la gabi ahaan la joojiyay Muxaadaradii Maanta uu Garoonka kubada Caggta ee Injineer Yariisoow ee Muqdisho ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Uma loo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Isaga oo sii hadlaayay Sheekh C/qaadir Soomow ayuu Cod dheer ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyan amniga iyo jiritaanka dowladnimada, isla markaana ay ilaashadan caqiidadooda.
Si kastaba Maanta ayaa waxaa lagu waday in Muxaadaro uu qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal, hayeeshee waxaa arrintaasi siweyn uga soo horjeestay Culimadda Ahlusunna Waljameeca, iyagoona shaagay hadii la joojin waayo Muxaadaradaas ay qaban doonaan banaanbaxyo waaweyn, hayeeshee ugu dambeyntii waa la joojiyay.