Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ahna hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Cali Mahdi Maxamed, kulankaas oo ahaa mid ay isaga xog wareysteen xaaladda guud dalka gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, Mataaladda Gobolka Banaadir iyo arrimaha ammaanka ee Caasimadda.
Mas’uuliyiinta ayaa muujiyey ahmiyadda ay lee dahay in si wadajir ah looga shaqeeyo arrimaha dib u heshiisiinta gobolka banaadir, helidda maqaamka caasimadda iyo hirgalinta hanaan wanaagsan oo loo maro mataaladda gobolka Banaadir ee dhawaan Golaha shacabku meel mariyey.
Waxay ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen sida looga wada qeyb qaadan karo in doorasho xalaal ah oo loo wada dhan yahay ay ka dhacdo dalka taas oo ay ku tilmaameen in ay Umadda Soomaaliyeed u horseedi doonto ammaan iyo in la gaaro biseyl siyaasadeed.
Hogaamiyeyaasha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isla qaatay in ay mudnaanta koowaad siiyaan sidii looga shaqeyn lahaa dib u heshiisiin rasmi ah oo ka dhaqan gasha Gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka, waxaa kale oo sheegeen in ay munaanta siinayaan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hirgalinta jawi nabadoon oo dalka looga saaro marxaladda kala guur ka ah.
Kulankan ayaa yimid kadib Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi uu casuumaad casiryo ah u fidiyey hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.