Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho,kaasi oo shalay furmay.
Sheekh Shariif oo Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in Soomaaliya lagu qabto Shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka,iyadoo Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay ka maqan yihiin.
Sidoo kale Shariif ayaa sheegay in Arrinta Shirkaas lagu qabtay Muqdisho ay tahay qatar soo wajaheysa dowladnimada Soomaaliya,hayeeshee waxaa xusay Shariif in aysan ka aamusi karin qalalaadka ka dhacaya dalka oo ay dowladda ku dhaqaaqeyso.
‘Waa arrin aan fiicneyn in la qabto shir u dhexeeya DF iyo beesha caalamka oo maamul-goboleedyadu joogin,Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin-habaabiyey ee lasoo adeejiyey Caay ay Caytameen anagu xaqa ugama istaageyno”ayuu yiiri Shariif Sh Axmed.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay amniga Muqdisho iyo Wadooyinka ku yaalla Caasimadda ee iska xiran.
Shariif ayaa waxaa uu sheegay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay,isla markaana ay soo kordhayan weerarada ka dhaca Muqdisho,iyadoona ay Cabsi u dheertay shacabka kunool.
“Dadka markay ku dhax-jiraan laba cadow oo mid Shabaab yahay midna dowladda tahay,aaway amniga iyo dhaqaale kororka laga shaqeeyey,Wasiirada iyo Xildhibaanada DF looma ogola inay xaqa ka hadlaan,marka anaga waxa naloo caynayo waa maxaa xaqa uga hadlaysaan dalkaan meel adag ayaan kasoo saarnay mana ka aamusi-karno”ayuu sii raacsiiyay hadlkiisa Sheekh Shariif.