Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021.
Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in weli dalka uusan ka muuqan hab iyo nidaam doorasho lagu aadayo, iyadoona waqtiga loogula talagalay Madaxda Dowladda haatan uu marayo meel Gaba-gabo ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayuu Sheekh Shariif ku eedeeyay inay qaateen Mas’uuliyad aysan laheyn, isagoo dhaliilay Warbixinta Guddiga ee Doorashada oo uu xusay in aysan ka muuqan waqtiga la qabnayo Doorashada.
Waxaa uu sheegay in doorashada dalka ay u baahan tahay in marka hore la diyaariyo Jawigeeda, maadaama aysan waxba diyaarsaneyn, isla markaama loo baahan yahay in lagu heshiiyo hanaanka Doorashada.
“Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Madaxda dowladda ugu baaqay inay sameeyaan dib u heshiisiin guud, maadaama ay jiraa Khilaafyo siyaasadeed oo ballaaran una dhexeeya hay’addaha dowladda, Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.
“Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa Sheekh Shariif.
Hadalkaan ayaa waxaa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif uu Maanta ka jeediyay Munaasabad loogu dabaal-degayay Xuska 1-da Luulyo oo ay Madasha Xisbiyada Qaran ku qabteen Magaalada Muqdisho.