Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay
Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaarta baahsan ee ka jira deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa waxaa uu Guddiga gurmadka ku wareejiyay lacag dhan 20 kun oo dollar oo uu uga qeyb qaadanayno dadaalada loogu Gurmanayo dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay ee kunool qeybo kamid ah dalka.
“Bulshada Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan dadka wax haysta” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay.
Wuxuu intaas kusii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Waxaan sidookale soo jeedinayaa in la badiyo Alle bariga iyo salaadda si ilaah nooga dulqaado abaarahan iyo colaadaha”. Xukuumadda ayaa wada dadaalo gurmadyo loogu sameeynayo dadka ay Abaarta saameeysay.