Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh Axmed oo Maanta mar kale dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu halkaas ku tegay.
Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka safarkiisa labaad ee Jowhar uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa xilinta tabashooyinka ka dhashay dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay Shariif in socdaalkiisa ay ku wehlinayaan Mas’uuliyiin uu kamid yahay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Odayaal kaasoo jeeda Hiiraan, kuwasi oo ka qeyb qaadan doona sidii loo xalin lahaa khilaafyada iyo tabashooyinka jira.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Doorashada Hirshabeelle ay noqoto mid ku dhacdo isfaham iyo nabad, isla markaana la xalin doono wax kasta oo khilaafaad ah oo jira, si loo dhiso Maamul mideysan.
Maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayuu Shariif tegay Jowhar, isagoona kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, isla markaana kala hadlay sidii loo dhameyn tabashada laga qabo dhismaha Maamulka iyo sidii loo xalin lahaa wax kasta oo khilaaf ah oo jira, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan.
Socdaalka uu Shariif Sh Axmed ku tegaya Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid la adkeeyay.