Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa Goordhow gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, xili Axaddii hore uu halkaas tegay.
Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas.
Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimo dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan dadka kasoo jeera Gobolka Hiiraan ee ku aadan dhismaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa kamid ah Odayaal, waxgarad ka soo jeeda Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, iyagoo kala hadli doono xalinta tabashada dhismaha Maamulka.
Socdaalka uu Shariif Sh Axmed ku tegay Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Maanta halkaas ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid la adkeeyay.