Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.
Booqashiisa ayaa lagu tilmaamay sidii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabadda Madaxweyne Farmaajo lagu caleemo saarayo maalinta Arbacadda ee soo socota.
Axmed Madoobe waxa uu Kulan Khaas ah la qaatay Madaxweynihii hore ee DKMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo aan la shaacinin waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa ah Jaal aad isugu dhow, waxayna ka wada mid ahaayeen Siyaasiyiintii halganka ka soo islaamay Ururadda Islaamiga ee Hubeysan ee dalkeenna.
Si kastaba ha ahaatee, Kulankooda ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo ka baaraan-degayo Maas’uulka uu u magacaabi lahaa Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka ee soo socota.
©Radio Dalsan