Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay diyaaradii gelinkii dambe ee shalay ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay, taasi oo ay ku dhinteen 6 ruux.
Qoraal uu soo saaray bartiisa Facebook Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in diyaaradii shalay ee xamuulka aheyd gantaal lala beegsaday, xili ay daawo loogu talagalay Cudurka Coronavirus u waday Bardaale.
Sidoo kale ee Shariif ayaa si kulul u Cambaareeyay falkaas, isagoo tacsi u diray eheladii dadkii shilkaas ku dhintay, kuwaasi oo isugu jiray dad Ajaanib iyo Soomaali ah.
Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhacadadii diyaarada ay aheyd dhacdo halis iyo khatar ku ah hawada dalkaa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in xadgudub uu falkaas ku yahay xeerka diyaaradaha rayidka.
“Waxaa gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo daawao mucaawino Covid-19 kaalma u ah u siday magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waa dhacda halis iyo khatar ku ah hawada dalkeenna, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka dagdaga ah†ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa soo jeediyay in baaritaano dhab ah oo Madaxbanaan  lagu sameeyo wixii dhaliyay in diyaaradaas xamuulka aheyd ee soo dhacdo, isla markaana shacabka Soomaaliyeed lala wadaago natiijada kasoo baxda baaritaanka.