Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay Doorashada Maanta la filay inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, taasi oo ay taageersan tahay dowladda Federaalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir oo ku qornaa luuqada Ingariiska ayaa waxaa uu ku sheegay in saniib darro ay tahay in dowladda federaalka iska indho tirto Doorashii maalmo kahor ka dhacday Dhuusamareeb ee Ahlusunna isaga ugu dooratay Madaxweyne.
Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu sheegay in dowladda haatan qaadeyso tallaabo dagaal uu ka dhan karo, isla markaana waxaa uu tilmaamay in wixii Khasaaro ah dhimasho iyo dhaawac ee ka dhasha ay Mas’uuliyadda qaadan doonto dowladda.
Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Beesha Caalanka ka dalbaday inay soo farageliso Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenka oo Maanta la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb, taasi oo ay taageersan tahay dowladda Federaalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Sheekh Shaakir oo ku qornaa luuga Ingariiska.