War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa looga hadlay heshiiska dowladda fedraalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayso Ahlu-sunna Wal-jamaaca isla markaana ay aqbashay xildhibanada 20-ka ah ee laga siiyay baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug iyaga oo sheegay in ay u mahadcelinayaan dhinacyadii ku lugta lahaa heshiiska.
Dowladda fedraalka Somalia iyo maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa waxa ka dhex taagnaa khilaad ka dhashay tirasa xildhibaanada ee laga siinayo Ahlu-sunna iyada oo ugu dambeyntii la xaliyay arrintaas.