Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Baydhabo lagu dilay Sheekh caan ka ahaa Magaaladaas.
Koox ku hubeesna Bustoolado ayaa la sheegay in Sheekh Maxamed Madeer,ay ugu galeen Masjidka dhexdiisa islamarkaana ay halkaas ku toogteen kadibna Goobta ka baxsadeen sida uu radio dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.
Sheekh Maxamed Madeer ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ka imaanayay Koonfur Galbeed ku doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sida caadada ah Goobta tagay iyagoo sameeyay howlgal aan wax dad ah lagu qaban,balse maanta ayaa la filayaa in Sheekha lagu aaso isla Magaalada Baydhabo.