Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan wada wadatashiyadii u dambeeyay ee ku aadan sidii uu iskushaandheyn ugu sameyn lahaa Golihiisa Wasiirada oo dhaliilo loo jeediyay.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ay u soo jeediyeen in uu iskushaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada iyaga oo sheegay in ay jiraan Wasiiro qaar oo aan si wanasgan u gudan Shaqadooda.
Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa ku adan iskushaandheynta Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,iyada oo Shariif Xasan kulamo Gooni Gooni ah la leeyahay Xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Mid ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku cadaadiyeen iskushandheynta islamarkaana uu ka aqbalay codsiga xildhibaaanda oo qaba in ay jiraan Wasiiro aan weli qaban wax la taaban karo.