Madaxeeynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Caawa ka hadlay dilka Wasiiru dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabduqaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Xildhibaan ka tirsan Hir-Shabeelle oo qarax lagu dilay.
Shariif Xasan ayaa u tacsiyeeya ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen masuuliyiintaas.
“Inaa lillaahi as inaa ileyhi raajicuun aad ayaan uga xumahay dilka Wasiiru dowlihii Amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax,Madaxweynaha hirshabeelle ayaan sigaar ah uga tacsiyeynayaa oo uu maamulkiisa ka tirsanaa xildhibaanka ayuu yiri Shariif Xasan”
Wasiiru dowlihii Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Galabta ku geeriyooday qarax miino oo qabsaday Gaari ay wateen xili ay marayeen inta u dhaxeeya Degmada Afgooye Iyo Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Masuuliyada qaraxa lagu dilay masuuliyiintaas ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab iyaga oo sheegay in ay abaabuleen Weerar lagu qaaday Xarun ay Caruur ku tababarayeen oo ku taallo deegaanka Jameeco jiliyaale ee Gobolka Shabeellaha HOose.