Waxaa dib usoo laabtay Shaqada Dekedda Magaalada Boosaaso ee Xaruunta  Gobolka Bari ahna Xarunta Ganacsi ee Maamulka Puntland ka dib markii Dhawaanahaanba ay hakad ku jirtay shaqada ay Dekeddu u haysay Bulshada Soomaaliyeed.
Shaqada Dekedda Boosaaso ayaa waxaa saameeyay Khilaaf soo kala dhex galay Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda iyo Shirkad lagu wareejiyay Maamulka Dekedda taasoo sababtay in ay Ganacsatadu joojiyaan Shaqadii Ganacsi.
Wariyayaasha ayaa soo sheegaya in hada ay dib usoo laabatay Shaqadii Dekedda Magaalada Boosaaso ka dib markii dadaal dheer ay ku bixiyeen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada.
Maalmihii ay xirneyd dekada ayaa waxa ay sameyn ku yeelatay Gancsiga Boosaaso oo ahaa maalmahaan sidoo kale mid gaabis uu ku jiray.