Shaqaalahaasi ayaa la sheegay inay ka cabanayeen go’aankii ay Dowladda Kenya ku xirtay dhamaan goobihii laga qodi jirey Dhagxaanta ee ku yaalla W/bari ee dalkaasi.
In ka badan 50 Shaqaale ayaana shalay dibadbax socod ah ku soo maray Waddooyinka Mandhera, waxayna tageen Xafiiska Maamulka Degmadda, waxayna codsadeen in dib loogu furo Kaawooyinka oo ay Dowladda Kenya xirtay 3 isbuuc ka hor.
Dowladda Kenya waxay bishan May 4=da amartay in la xiro Kaawooyinka laga qodo Dhaxaanta ee Mandhera, kadib, markii 4 ka tirsan shaqaalahaasi lagu dilay weerar ay Xarakadda Akshabaab ku qaadeen Kaawo ku taalla inta u dhexeysa Deegaanadda Shimbir iyo Faatuma.
Dhinaca kale, inta badan Shaqaalaha ka xoogsada goobaha laga qodo Dhagaxa waxay sheegeen in laga soo wada saaray gurihii u kireysnaa, isla markaana aysan haysanin Lacag ay guryo ku kireystaan ama ay ka dhigtaan Quutal-daruuriga.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Mandera, Cali Roobo waxa uu shaqaalahaasi ugu deeqay Cunto, balse waxay shaqaalaha sheegeen inay ka dhamaatay Cuntadii loogu deeqay.