Wasaaradda Arrimaha Gudaha daljkaasi ayaa la sheegay inay ku guul-daraysatay inay mushaarkooda siiyaan Dhallinyarada Adeegga Qaranka Kenya ee NYS oo iyagu aan wax mushaar ah helin ku-dhawaad 18 bilood helin.
Lacagta ka maqan Dhallinyaradaasi ayaa la sheegay inay dhan tahay 31 million oo Shillinka Kenya, iyadoo dhismaha 10 KM oo ka mid ah Derbigaasi lagu kharaj gareeyey lacag dhan 3.4 Billion oo Shillinka Kenya
Dhallinyarada Shaqaalaha ka ahaa Dhismaha socda ee Derbigaasi ayaa la sheegay in shaqada laga ruqseeyey, kadib, markii ay Wasaaradda difaaca Kenya la wareegtay Mashruuca dhismaha Derbiga xuduudka, kaasi oo la bilaabay sannadkii 2015-kii.
Enjineeradda Ciiddanka Kenya waxay ku qiyaaseen Kharajka Guud ee ku bixi doona dhismaha 700 KM ee Derbigaasi lacag dhan 8 Billion oo Shillinka Kenya, balse, kala-bar lacagtaasi waxaa ilaa iyo haatan lagu kharaj-gareeyey dhismaha 10-KM oo keliya.
Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay in Dhismaha Derbiga Xuduudka uga dan leeyihiin in lagu adkeeyo Ammaanka Xuduudka, iyo in looga hortago weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshaabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Barlamaanka dalka Kenya waxa uu isbuucii hore gaashaanka ku dhuftay Kharajka ku baxaya dhismaha Derbigaasi, iyagoo sheegay in Kharajka Mashruucaasi la musuqmaasay.