Shaqaalahaasi oo ka tirsan Hay’ad Samafal oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa la sheegay in laga qafaashay meel ku dhow Tuulladda Mayendit oo 680 KM dhanka W/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Jubba.
Kooxo hubeysan ayaa qafaashay 8 Shaqaale Deegaanka ah oo u shaqeeya Hay’ad Samafal, kuwaasi oo gargaar u qeybinayey dad ku macluulsan dalkaasi.
Waxaa socda Wada-xaajood lagu sii daynayo Shaqaalahaasi, inkastoo Maleeshiyadda afduubatay codsadeen Lacago madax-furasho ah.
Ku-dhawaad 100,000 oo qof ayaa ku macluulsan dalkaasi, kuwaasi oo xaallad khatar ah ku jira.
Maalmo ka hor, 2 qof oo ka soo jeeda dalka Hindiya, kana shaqeynayey Ceelasha Shidaalka ee dalka Koonfurta Sudan ayaa la afduubtay, sida uu shaaciyey Wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi, Michael Makuei.
©Radio Dalsan