Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi waxay saakayto ku sheegeen in ugu yaraan 11 Xoogsato ku geeriyootay , 4 kalena ku dhaawacmeen Qaraxa ka dhacay gudaha God laga qodo Dhagxaanta oo ku yaalla Tuulladda Aluru Mandal ee Degmadda Kurnool ee Gobalka Andhara Paradesh ee Koonfurta dalkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miinooyinka loogu talagalay in lagu jebiyo Kaawooyinka Dhagaxa, taasi oo si lama filaan ah u qaraxday, waxayna Boliska bilaabeen baaritaan la xiriira shilkaasi.