Ilo-wareed madax bannaan ayaa u sheegay Radio Dalsan in 17 Mas’uul iyo Shaqaale ka tirsan Wasaaradaha Ammaanka Qaranka iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka Somalia ay saakayto iska soo tureen  Dabaqyada Xafiisyadooda ku yaalla Dhismaha Xarunta Oto-Otto ee magaalladda Muqdisho.
Dadkaasi ayaa la sheegay inay dabaqyadda iska tureen, kadib, markii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab qaraxyo iyo weerar ku ekeysiiyeen Xarunta ay Labadaasi Wasaaradood ku hawlgalaan ee Dhismaha Otto-Otto (Weliyow Cadde) oo ku dhow Isgoyska Sayidka ee magaalladan Muqdisho.
Shaqaalahaasi ayaa la sheegay inaay iska tureen daaqadaha Xafiisyadooda si ay uga badbaadaan Iska-horimaadkii Alshabaab iyo Ilaaladda Xaruntaasi ku dhex maray gudaha Dhismahaasi.
Ilaa 17 qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Shaqaale caadi ah ayaana la sheegay inuu soo gaaray jabniin dhinaca Luqaha, kuwaasi oo lagu dawaeynayo Isbitaalo ku yaalla magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegtay in la soo af-jaray Iska-horimaadkii ka dhacay Dhismaha Otto-Otto.
Ilaa 11 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Iska-horimaadkii maanta, kuwaasi oo 9 ka mid ahaa Shaqaalaha iyo Ilaaladda Wsaaradihii la weeraray iyo 3 ka mid ah Dagaalamayaasha Alshabaab.