Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow† oo ku hadlayay Afka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda la fasaxay maalinta Beri ah Munaasabadda xuska 15-ka May owgeed.
Xuska 15-ka May ayaa ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.