Maxkamadda Milimani ee magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii ay Al-Shaabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi.
Dadka la soo taagay Maxkamadda Nairobi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Guuleed C/kariim oo heysta Dhalashadda Kanada, Osman Ibraahim, Joeel Naganga, Oliver Kanyango, iyo Glaadays Karai
Haweeneyda Madaxda ka ah Garsoorayaasha Maxkamadda Milimani , Marthaa Mutuko waxa ay amartay in Eedeysanayaashaasi muddo 30-cisho ah Xabsiga lagu sii hayo, tan iyo inta ay Baarayaasha Boliska Kenya ka soo dhamaystiri doonaan Kiiskooda.
Dhegeysiga Dacwadda shanta Eedeysane ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono bisha soo socota ee Feberaayo 18-da.