Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Musab ayaa sheegay inay saakayto weerareen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni oo 50 KM u jirta magaalladda Kismaayo.
Afhayeen Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay markii ugu horreysay ku weerareen Saldhigaasi Is-qarxin loo adeegsaday gaari miineysan, kadibna ay Dagaalamayaasha xoog ku galeen Saldhigaasi.
“Waxaan markii hore gaari miineysan ku weerarnay Saldhigga, waxaan ku dilnay 27 Askari, waxaana la wareegnay Saldhiga†ayuu yiri Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Musab.
Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Ciiddankii ku sugnaa Saldhigaasi ay u firxadeen dhinaca Hawdka.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay DFS iyo Maamul-gobaleedka Jubbaland oo ku aadan Weerarka iyo Qaraxyadda ay Alshabaab waaberigii hore ee saakayto ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka Federalka iyo kuwa Jubbaland ku sugnaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, waa Weerarkii 2-aad ee ay Alshabaab ku qaadaan Weerarkaasi, waxayna bishii June qaadeen weerar la shegay in 7 Askari lagu dhaawacay.
Xigasho: REUTERS.