Al-Shabaab ayaa degmada Oowdheegle  ee gobolka Shabeellaha hoose waxa ay Odayaasha Gobolkaas ugu qabteen tababar ama dowro ay ku barayeen arimo dhowr ah,iyagoo tababarkaan uu socday mudo Afar maalmood ah.
Odayashaan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa markii loo soo gabagabeeyay siminaarka halkaasi kula hadlay qaar ka mid ah Madaxda Al-Shabaab,kuwaas oo dardaaran u jeediyay.
Tani ayaa Al-Shabaab ugu gol leeyihiin in ay uga gudbaan Shakiga ay ka qabaan Odayashaas,waxana ugu dambeen la siiyay Kaarar aqoonsi ah oo uu ku qoran yahay qof walba Magaciisa,Qabiilkiisa halka uu ka yimid,iyo Jagada uu hayo.
Odayashaan ayaa Kaararka Aqoonsiga ee loo sameeyay,waxa ay ku mari karaan dhamaan deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan iyaga oo aan dareemin wax Cabsi ah.