Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Eedeyn u jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib markii Maanta uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Aqalka Sare.
Senator Iftiin Baasto oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxtooyadda ay faragelin ku wado kulamada Golaha, isla markaana xalay ilaa iyo saaka ay ka shaqeeysay in kulankii Aqalka Sare uu baaqdo.
Sidoo kale Senator Iftiin ayaa waxaa uu Madaxtooyada ku eedeeyay inay isbaaro cad u dhigatay Golaha Aqalka Sare, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Xafiiska Madaxweyne Farmaajo laga soo abaabulayo duminta Aqalka Sare ee dalka.
“Aqalka sare waxaa isbaaro cad u dhigatay Madaxtooyada, Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagasoo abaabulayaa duminta aqalka sare horayna Baarlamaankii baa lagusoo dumiyey” ayuu yiri Senator Iftiin.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri”Maadaama aad ku fashilantay hoggaankii dalka waxaan leennahay wax iskula har barri taariiq baa ku qori doontee”.
Waa markii labaad uu kulanka Golaha Aqalka Sare u baaqdo Khilaaf ka dhashay in kulanka lagu qabto Aalada ZOOM-ka, waxaana xubno ka tirsan Golaha Aqalka ay sheegeen inay sharci darro ay tahay in kulanka lagu qabto Aalada ZOOM-ka.