Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Aqalka sare,waxana inta uu kulanka socday halkaasi lagu Akhriyay Warqad iscasilaad ah oo uu soo gudbiyay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Warqadaan ayaa ku qornaa in Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole,uu iskacasilay Xubinimada Guddiga wadajirka ee Dastuurka labada aqal oo uu ka mid ahaa.
Dhawaan ayaa waxaa Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guddiga dastuurka labada Aqal,isaga oo kula tartamay Cabdi Qeybdiid oo xilkaan kaga guuleestay.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi,ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare ku wargeliyay in la buuxin doono booskii uu baneeyay Faroole,in kastoo xiliga Warqada la akrinayay uu Goobta ka maqnaa.
Guddigaan ayaa laga soo kala xulay mid 5 Xubnood oo ka kala socda labada Aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Soomaaliya.