Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Ahna Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo ka Hadlay Arimaha Xasaasiga Doorashada Madaxtinimo ee  Dalka ayaa sheegay inay jirto Faragalin Qayixan oo Lagu Hayo Doorashada Xili uu Warbaahinta Kula Hadlay Muqdisho.
Waxaa uu Uga Digay Baarlamaanka Labada Aqal ee Dooranaya Madaxweynaha Cusub Faragalintaasi oo uusan Carab Baabin waxa ay Tahay  Isagoo Ugu Yeeray In Go’aankooda iyo Cidda ay Rabaan ay Udoortaan Hogaanka Dalka Si Ay Doorashadu Unoqoto Mid Xalaal Ah.
Senator, C/raxman Faroole ayaa Geesta kale Musharaxiinta Uga Digay in aysan Madaxtinimada Dalka Ku Doonin in Cidkale ay Ku Taageerto  Xili Musharaxiinta Qaar Loo Xagliyo Inay Wataan Dowaldo Gaar Ah.
Hadalkaan Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole  ayaa Imaanaya iyadoo Afar Maalin Kaliya ay Kaharsan Tahay Qabsoomida Doorashada Oo ay Utaaganyihiin 24-tan Musharax oo uu Midkastaa Ku Jiro Damaca ah Hogaaminta Dalka.