Hay’ad la socota Arrimaha Saadaasha Hawada ayaa soo saartay Warbixin la xiriirta in Caawa meelo badan oo ka mid ah Caalamka laga arki doono Dayax Madoobad.
Goobaha la soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho,Saynisyahanadu waxa ay sheegeen in Dayax Madoobadku uu bilaaban doono  6:14 Daqiiqo ilaa Caawa Fiidkii 7:8 Daqiiqo.
In kastoo ay saadaashaan oo kale horay u soo baxday ayaa Shacabka soomaaliyeed ee Muslimiinta ah wax ay xiliyadaan oo kale sameeyaan Dukashada Salaadaha Khusuufka iyo Kusuufka halka Wadooyinka Waaweyn dadku ay isugu soo baxaan iyaga oo duceysanaya.
Dadka barta Cilmiga Sayniska ayaa waxa ay sheegayaan in Dayuxu uu ku wareegayo dhulka, halka dhulkuna uu ku wareegayo Qoraxda,intaasi kadibna qoraxdu uu soo dhexgalo Dayax Madoobaad.