Weriyahaasi oo u shaqeynayey Telefishinka Maxaliga ee DIMRAAT ayaa la sheegay in la afduubtay, xilli uu war ka diyaarinayey Dibadbax looga cabanayey Jidgooyo oo ka dhacay Gobalka TRIPURA ee W/bari ee dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay kooxo aan la aqoonin afduubteen, kadibna dileen Saxafigaasi oo la oran jirey Shantanu Bhowmick.
Dhinaca kale, Ururadda Suxufiyiinta ee dalka Hindiya waxay maanta dhigeen Kulamo cabasho ah oo ay ku cambaareeyeen dilka Weriye Shantanu Bhowmick oo 27-jir ahaa.
Waa Weriyihii Labaad ee bishan lagu dilo dalka Hindiya, iyadoo bishan 8-dii la dilay Haweeney Tifaftire ka ahayd Wargeys toddobaadle ah oo si kulul loogu naqdin jirey Siyaasiyiinta Xag-jirka ee Qowmiyadda Hinduuska ee ku nool dalkaasi.