Sarkaal ka tirsan Boliska Marykanka ayaa la sheegay inuu toogtay Saxafigaasi, kadib, markii uu ka shakiyey Birta 3 Lugoodka ee uu Sawir-qaaduhu doonayey inuu Muuqaal kaga duubo saxmadda gawaari maraysay waddo ku taalla magaalladda Niyuu Kartisle ee Gobalka Ohaayo.
Wargeyska maalinlaha ee The New York Daily News ayaa qoray inuu Sarkaalku ka shakiyey Qalabkaasi, oo uu u qaatay inuu Saxafigu haystay qori.
Saxafiga oo lagu magacaabo Andi Girim ayaa laga toogtay Laabta, waxaana loola cararay Isbitaalka.     Boliska Dembi-baarista ee Gobalka Ohaayo ayaa baaraysa Kiiskaasi, inkastoo uu Saxafigu ku baaqay inaan Sarkaalkaasi laga cayrinayey Shaqadiisa, maadaama ay Toogashadu ku dhacday si isfaham la’aan ah.