Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in dhallinyaro ku nool magaalada Hargeysa ay ku dhaqaaqeen fal aad u fool xun kadib markii ay baaris ugu dhaqaaqeen dad masaajid ku cibaaseynayay iyo Imaamkii masaajidka.
Falkaan oo dhacay habeenkii xalay ahaa ayaa waxa geystay 7 ruux oo dhallinyaro ahaa kuwaas oo galay masaajid ku yaala xaafadda Sheekh Nuur iyagoona halkaas dadkii ku cibaadeynayay uga qaatay moobeylo iyo alaabo kale.
Ciidamada ammaanka Somaliland gaar ahaan kuwa booliiska oo markii uu falkaas dhacay kadib howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaradii ku dhaqaaqday falkaas foosha xun.
Afhayeenka ciidamada booliiska Somaliland oo warbaahinta kula hadlay goobtii dhallinyarada lagu soo bandhigay ayaa waxa uu sheegay in dhallinyarada ay masaajidka ku weerareen tooshash waaweyn oo ay dadka indhaha ka qabanayeen oo uu qofka jahwareerayo faashashka geedaha lagu jaro oo uu sheegay inay dadka masaajidada ku cibaadeysanaya uga qaadanayaan moobieylada.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in dhallinyaradaas oo la baxay magacyo halis ah ay markii weerarka geysanayeen ay xirnaayeen maasgaraha wajiga lagu xirto si aanan loo fahmin wajiyadooda,waxana uu afhayeenka ciidamada booliiska ku ammaanay sida deg dega ah oo isla xalay ay uga jawaabeen falka foosha isla markaana usoo qabteen dhallinyaradii ka dambeysay falkaasi.
Waxa uu aad ugu mahadceliyay shacabka Somaliland sida ay ula shaqeeyeen ciidamada Somaliland, isagoona sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ubadkooda ilaashadaan oo ay la socdaan dhaq dhaqaaqyadooda maadaama uu sheegay in ubadkooda ay weerarayaan masaajidada oo shacabkii cibaadeysnaayay ka qaadanayaan moobillada.