Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xerada Ciidanka Generaal Gorden oo ay ku jiraan ciidamo farabadan oo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.
Markii uu halkaasi tegay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu la kulmay Saraakiisha ciidamada iyo Safiirka Imaaradka u fadhiya Soomaaliya, waxa uuna Warbixiin ka dhageystay Saraakiisha ciidamada ay tababareen Imaaraadka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta lagu wareejiyay Ciidankaas oo tiro ahaan gaaraya 450 Askari si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab oo uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hadda waxa uu khudbad u jeedinayay Ciidamada isaga oo kula dardaarmaya in ay si wanaagsan uga qeyb qaataan dagaalkaas.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.