Caawa Xarunta Villa Hargeysa waxa shir ku yeeshay Xildhibaano la magac baxay badbaadada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shirkooda Caawa ka soo saaray Go’aano ku saabsan mooshinkii laga gudbiyey gudoomiye Jawaari.
Xildhibaanadaan oo tiro ahaan sheegtay in ay gaaraayaan ilaa 120 mudane ayaa waxa ay sheegeen in uu burburay mooshinkii laga gudbiyey Jawaari marka laga soo bilaabo 18 Bishaan ilaa 28 Bishaan kaas oo ay iclaamiyeen Gudiga xalinta khilaafaadka Aqalka Sare,iyaga oo u cuskanayay qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in waqtigii loogu talo galay mooshinka in uu dhamaaday markii loo fiiriyo sharciga,isla markaana 10,kii maalmood ee sharcigu ahaa uu Maanta ku ekaa.
Waxa ay ugu baaqeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in howshiisa Shaqo uu siiwato maadaama mooshinkii laga gudbiyey uu burburay.
Go’aanka ay Caawa soo saareen xildhibaanada taageersan gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah mid sii xoojineysa Xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya,iyada oo horay la iskugu khilaafay Go’aankii gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/Weli Muudeey ee ahaa in 31 Mishaan Maarso la qabanayo kulanka Dooda mooshinka ka yaalla gudoomiye Jawaari.
Go’aanka ay soo saareen oo Lix qodob ka kooban Hoos Ka Akhriso.