Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay kulnkoodii Caadiga ahaa ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
kulanka maanta waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,iyada oo xildhibaanada kulankaas soo Xaadiray ay tiradoodu gaareysaa 159 Mudane.
Waxaa ugu horeyn golaha uu ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaaladda jerusalem ugu aqoonsaday caasimada Isra’iil ,waxaana gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in go’aanka dowlada mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabada ee mareykanka uu ka waday falastiin iyo Isra’iil iyo guud ahaan amaanka Gobolka ,isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar kasoo saari doono.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad c/lla Cawad ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahanyahay in gudiga arimaha dibada arimahaasi kala shaqeeyaan.