Guddiga farsamada maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Isniin ah Magaalada Duusamareeb billaabay xareynta odayaasha saxiixayaasha Galmudug.
Qaar kamid ah odayaasha ayaa dejiyay deegaannadii loo qorsheeyay si ay u guda galaan hannaanka soo xulista xildhibaannada oo qayb ka ah dhameystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay.
Guddoomiyha Guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug ayaa Odayaasha saxiixayaasha kula dardaarmay in ay si cadaalad ah ay u soo xulaan xilldhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha Galmudug, waxaana Doorashada arrimaha maamuleysa dowladda Federaalka Soomaaliya.