Magalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtey munaasabad lagu Caleemo saaray Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye,waxana ka qeyb galay munaasabadaas,Wasiiro,Xildhibaan Siyaasiyiin,Culumo,Odayaasha Dhaqanka,Haween iyo marti sharaf kale.
Munaasabada ayaa waxaa Afahayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah Wiil uu dhlay Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo dhowr Bilood ka hor geeriyooday.
Wasiiru dowlaha Wasaaraha Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaahiye (Qoorqoor) ayaa sheegay in dhaqanta soomaaliyeed ay yihiin kuwo kaalin weyn ka qaatay dowladnimada soomaaliya,isla markaana weli doorkoodii uu u banaan yahay lagana doonayo in ay ka qeyb qaataan.
Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye ee Maanta la Caleemo saaray Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye ayuu ugu baaqay in dadka uu metelo uu si wanagsan ula Shaqeeya,isla markaana ay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay la Shaqeyso.
Sidoo kale waxaa munaasabada Goobjoog ka ahaa dad ay ka mid yihiin Siyaasi Salaad,Cali Jeelle,Guddoomiyeyaashii Gobolka Banaadir,Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Cadde Gaabow,waxayna dhammaantood u hambalyeeyeen Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sidoo kale munaasabada ka qeyb galay waxa ka mid ahaa,Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaan Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Senator Yuusuf Geele Ugaas iyo Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer
Gaba gabadii waxaa Munaasabada soo xirey Afhayeenka Cusub ee Beelaha Hawiye saaray Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye waxa uuna Waxgaradka,siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye in ay la garab galaan xilkaan Culus ee loo dhiibey.