Shilkaan gaari ee Caawa ka dhacay Xaafada Daaru Salaam ayaa waxaa la sheegay in uu geystay khasaaro naf iyo maal leh intaba.
Gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa Caawa ku dhacay Mooto bajaaj ku sugneyd Goob shidaalka lagu iibiyo uu ku taallo Xaafada Daaru Salaam,waxaana Goobjoogayaalay sheegeen in Wiil Da’iisa lagu qiyaasay 13 jir uu shilkaas ku geeriyooday.
Gaariga nooca raaxada ah ayaa gebi ahaanba burburiyay Mootadii,iyada oo ay gurmad u fidiyeen dadku sugnaa Goobta uu shilka gaari ka dhacay oo aheyd laamiga Xaafada Daaru Salaam.
Ehelada Marxuumka ayaa Goobta ka qaaday medyka Wiilka yar,waxaana xaalada goobta ay iminka noqotay mid caadi ah oo sideedii hore ku soo laabatay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada shilka.