Miino nooca Taangiga ayaa waxaa laga helay qeybo ka mid ah Gobolka Mudug,kdib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Galmudug oo kaashana Shacabka deegaanka Xaar xaar oo ah halka Miinada laga helay.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Ahna duqa Magaalada Xersi Yuusuf Barre, oo ay wehliyeen Sarakiil ka tirsan kuwa Miina Baarka.
Gudoomiyaha M/Gaalkacyo ahna Duqa Muqdisho oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Miino Taangiga ay aheyd Hubkii dalka ruushka isla markaana tan iyo burburkii ay Goobta ku aasneyd dadka iyo duunyadana dhibaato ku aheyd sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu u digay dadka Reer Miyiga ah in ay ka dheeraadaan goobaha y uga shakiyaan in ay ku aasan yihiin waxyaabaha qarxa isla markaana ay ku soo wargeliyaan Ciidamada Miina Baarka ee Maamulka Galmudug.
Sawirro