Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhoofay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Taabit ayaa la sheegay in uu ku sii wajahan yahay Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana sii sagootiyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Garoonka ka sii sagootiyay ayaa waxa ka mid ah Xildhibaan Abuukaate, Xildhibaan Mina Xasan Shibis iyo Xildhibaano kale.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Sagootinta Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirada.