Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Wafdi ka socda dowladda Masar.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen arrimaha Dhaqaalaha iyo taageerada Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii dowladda Masar ay dhaqaalo u siin laheyd dowladda Soomaaliya.
“Sharaf bay iitahay in aan Xafiiskayga ku soo dhaweeyo wafdi ka socda Dowladda Masar, waxaan ka wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee labada Dowladood sidoo kale waxaan isku raacnay sidii Soomaaliya loo maalgalinlahaaâ€
Wafdiga ka socda Dowladda Masar ee Maanta la kulmay Wasiirka Maaliyada ayaa shalay waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,iyada oo Wasaaradda Caafimaadka ay ku wareejiyeen deeq daawo ah oo ka timid dowladda Masar.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.