Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud( Ismaaciil Raage) oo ka mid ahaa Ardaydii shalay ka qalin jebisay Jaamacadda Simad hadana ah qof baahiyo gaar ah qaba ama naafo ah.
Shalay ilaa Maanta ayaa Ismaaciil waxaa si aad ah u qabsaday Baraha ay Bulshadu isticmaasho sawiro laga soo qaaday xili uu ka qalin jebinayay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaabilaada Ismaaciil Raage oo ah qof qaba baahiyo gaar ah hadana shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD.
“Waaxan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismael_Raage oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD_University..Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.