Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta garay Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Garoonka Diyaaradaha Shati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa Eafdiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere Cabdiraxmaan, taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad Ibraahim Yarow, iyo shacabka Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Cabdirashiid ayaa Maalmaha soo socda sii joogi doona Magaalada Baydhabo Waxa uuna Warbaahinta u Sheegey Inuu Hordhac u yahay Safaro ay ku kala tegi doonaan isaga iyo wafdigiisa Gobolada Baay Bakool iyo Gedo.
Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweynta Wasiirka