Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Fedeaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Eng Cabdi Maxamed Sabriye oo ay Wehliyaan Lataliyaa ka Tirsan Wasaaradda iyo xafiiska Risulwasaraha ayaa kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub Ee Somaliya . waxeyna kala hadleen sidii
Siyaasadda Hanaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Wasaaradda iyo Xukuumadda
“ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nagala shaqeeyan hirgilinta hanaankaan iyo oo qorshaha wasarada yahay in loo daadajiyo heer Maamul Goboleed Degmo Tuulo waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda ”
Ayuu Yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Cabdi Maxamuud Sabriye oo Warbaahinta la hadlay
Waxaa kaloo laga Wada hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Hormarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan mamul Gobaleedyada Dalka gaar ahaan kuwa Soo koraya Si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan